Nairobi: (Sh.M.Network) Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ayaa wacad ku maray inay ka hortagayaan dhibaatooyin ay sheegeen inay maleegayaan Al Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Cyrus Aguna oo la hadlay Warbahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidmada Kenya ay ka go’an tahay inay xaqijiyaan ammaanka Magaalada Kismaayo.
“Way naga go’an tahay ina aan hantino ammaanka, waana ka hortagaynaa Kooxaha aargigixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya” sidaasi waxa yiri Cyrus Aguna.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya iminka ay ku sugan yihiin dhowr Xarumuud oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, isagoo dhinaca kale shaaca ka qaaday in ujeedkooda ugu weyn ay tahay inay xaqiijiyaan ammaanka oo ay ka hortaggaan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa saacado kaddib markii qaraxyo lala eegtay Xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Ururka Raaskambooni.























Comments are closed.