Afmadow: (Sh. M. Network) Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ah ee gobolka Jubbada hoose ayaa ku cago jugleeyay in Al Shabaab ay ka saari doonaan guud ahaan Jubbooyinka.
Afhayeenka Ciidamada dowladda ee gobolka Jubbada hoose Max’ed Faarax oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay cirib tiri dooonaan Shabaabka ku sugan gobolada Jubbooyinka oo dhawaanahaanba dagaalo ay ku dhexmarayeen Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Al Shabaab.
Max’ed Faarax Afhayeenka Ciidamada Jubbooyinka ee dowladda KMG ayaa waxa uu intaasi ku daray in maalmaha soo socdo Al Shabaab ay ka cirib tirti doonaan deegaannada iyo degmooyinka ay Shabaab kaga suganyihiin gobolkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Maalmihii dambe ayaa waxa ay dagaalo ka dhacayeen qaybo ka tirsan gobolada Jubbooyinka kuwaasi oo dhexmarayay Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab, iyadoo dagaladaasi ay guulo ka kala sheegteen dagaaladaasi.























Comments are closed.