Afgooye: (Sh.M.Network) — Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in la qaaday Isbaarooyin yaallay gobolka Sh/hoose, iyagoo dhinaca kale sheegay in Ciidamada ay amar u qabaan inay toogtaan Askari waliba oo dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Guutada Lixaad ee Ciidamada Militariga Soomaaliyeed Jeneral Ibraahim Yaroow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in wax badan ay ka qabteen Jidgooyooyinkii yaallay deegaannada gobolka Sh/hoose.
Taliyaha ayaa waxa uu tilmaamay in ciddii lagu arkaa iyadoo ay u taallo Isbaaro lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, ay Ciidamada Xoogga u dul qaadan doonin, islamarkaana cidii lagu arkaa lagu xakumi doono dil doogasho ah.
Taliyaha ayaa waxa uu ka hadlay Cabashooyinka kasoo yeeraya dadka ku dhaqan gobolka Sh/hoose, isagoo xusay in dadkaasi ay yihiin kuwa la shaqeeya Xarakada Al Shabaab, kana soo horjeeda la wareegitaanka Ciidamada dowladda ee gobolka Sh/hoose, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ciidamada ay qaataan Mushaarkooda islamarkaana aysan jirin dhac lagula dhaqaaqo dadka shacabka ah.
Maalmihii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada kasoo yeeraysa dadka ku sugan deegaannada gobolka Sh/hoose, iyagoo ka cabanayay dhibaatooyinka ay sheegaan inay kala kulmaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidanka Dowladda Soomaaliya.























Comments are closed.