Saraakiisha Dowladda ee Jubbooyinka oo u digay dadka shacabka ah

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Taliska Ciidamada Dowladda ee gobolada Jubbooyinka ayaa ka digay in la bililiqeysto Xarumihii hore ee Dowladda Soomaailya ay ku lahaayeen gobolka Jubbada hoose. 

Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Jeneral Ismaaciil Saxar-diid oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa u sheegay in Ciidamada huwanta ah ay ku wajan yihiin Magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay faarujiyeen Ururka Al Shabaab. 

Ismaaciil ayaa waxa uu uga digay shacabka Magaalada Kismaayo inay bililiqeystaan goobaha ay leedahay Dowladda islamarkaana mar waliba looga baahan yahay inay ka fogaadaan arrimahaasi, ciddii lagu arkaana tallaabo cad laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inay xaqiijin doonaan ammaanka Magaaladaasi. 

“ Ciddii ku dhaqaaqda fal dhac ah, waxay nala mid yihiin kuwa Shabaabka ah ee aan la dagaalameyno” sidaasi waxa yiri Ismaaciil Saxar-diid. 

Xaaladda Kismaayo ayaa waxa ay tahay mid kacsan, waxaana gacan ku haynta Magaaladaasi ay isku haya Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Xarakada Al Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in dad badan oo shacab ah ay ka barakaceen gudaha iyo daaafaha Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter