Saraakiisha Ciidamada qalabka sida oo sheegay in ay isku furi doonaan Jowhar illaa Boosaaso

maalik_som December 13, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo shalay ka qayb galay Munaasabad Ballaaran  oo ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab laga cirib tiriyo Meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan

Afhayeenka Ciidamada qalabka sida Cali Caraaye Cosoble Gacmaduule oo ugu horeen ka hadlay Munaasabaddaasi ayaa sheegay in ay sii socondoonto Howlgalka lagu baacsanayo Ururka Al Shabaab  islamarkaana ay tagi doonaan  Goobaha ay ku harsanyihiin sida uu hadalka udhigay

Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida  Jeneraal Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan oo isna ka hadlay Goobta ay Munaasabaddu ka dheceysay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’antahay in laysku furo Muqdisho iyo Gobollada kale oo hadda iyagu kala xiran

Abaanduulaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in taasi lagu gaari karo Ciidamada oo Garab kahelo Shacabka

Madaxda dowladda Ugu Sareysa iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay wadaan Qorshooyin ku aadan soo gacan Galinta deegaannada iyo Degmooyinka kamaqan gacanta dowladda

Comments are closed.

Facebook

Twitter