Buur-hakaba: (Sh.M.Network)— Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay kaabiga ku hayaan Magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Jeneral Ibraahim Aadan Yaroow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Jameecada Dheenta oo 12-KM u jirta Magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay.
“Howlgalka u jeedkiisu waa inaan lagu daadin dhiig, Magaalo waliba waxa uu qorshaha yahay in si nabad galyo ah lagula wareego” sidaasi waxa yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si aad ah u hubeysan yihiin islamarkaana ay gacanta ku dhigayaan Magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Ciidamada Dowladda, Kenya iyo kuwa Raaskamabooni ayaa si nabad galyo ah kula wareegay Magaalada Kismaayo oo dad badani ay aaminsanaayeen in uu ku daadan karo dhiig badan, hase ahaatee Al Shabaab ay isaga baxeen inta aan la galin Magaalada ka hor.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.