Saraakiisha Bay oo hanjabaysa iyo ammaan darrida oo sii korortay

maalik_som October 9, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network)— Xilli maalmihii dambe ay cirka isku sii shareerayeen dhibaatooyinka ammaan darri ee ka jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa haddana Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Magaaladaasi waxa ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan dhibaatopoyinkaasi. 

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Bay Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay ku howlan yihiin wax ka qabashada xaaladda ammaaan ee Magaalada. 

Mahad Cali ayaa waxa uu sheegay in howlgallada ay sii wadi doonaan illaa laga xaqiijinayo ammaaanka, isagoo tilmaamay in rag ka tirsan Al Shabaab ay ku sugan yihiin Magaalada, islamarkaana ay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca halkaasi. 

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa maalmo ka hor waxaa lagu weeraray Qaraxyo qasaaro gaystay, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka wax laga qabtay iyo cid loo soo qab qabtay. 

Shalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay waxaa lagu dilay Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda ee Dowladda Soomaaliya kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen Kooxo ku hubaysnaa Bastoolado, wallow Maamulka gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter