Kismaayo: (Sh.M.Network) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalo iyo duqeymo shalay hareeyay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Dagaalada oo ahaa kuwa galay wajiyo badan ayaa waxaa ku dhintay sida la sheegay 16-ruux oo ka kala tirsanaa Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab kuwaasi oo la sheegay inay u badan yihiin Saraakiil.
Qaar ka mid ah Sarakiisha Ciidamada dowladda ayaa qiray in dagaalkii shalay uu kaga geeriyooday Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Gacmdheere oo xilligii uu dhimanayay ku howlanaa Miino baaris.
Warar kale ay sheegaya in saakay Magaalada lagu arkayo burburka Gawaari dagaal oo ku gubatay Dagaaladii shalay dhexmaray Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Al Shabaab.
Xaaladda ayaa saakay u muuqatay mid degan, inkastoo mar waliba la fillan karo dagaal dhexmara dhinacyadaasi.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.