Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo lagu soo bandhigay Sh/hoose

maalik_som October 14, 2012 Comments Off

Wanlaweyne: (Sh.M.Network) —Howlgalladaani oo ahaa kuwa ballaaran ayaa maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay dad badan kusoo qab qabteen. 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu soo qab qabtay ku dhawaad 10-ruux oo ka tirsan AL Shabaab oo qaarkood ay yihiin amiiro sida ay hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somaaliya, waxaana lagu soo bandhigay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida uu Saxaafadda u xaqiijiyay Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda ee gobolka Banaadir. 

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa ku wargaliyay in dadka ku dhaqan Magaaladaasi Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose  ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago kooxaha falalka ka dhanka ah ammaanka degmadaasi. 

Dhawaan ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degmada Wanlaweyn iyo waliba Garoonka  Balli-doogle ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay in muddo ah Maamulayeen Al Shabaab

Comments are closed.

Facebook

Twitter