Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay Puntland

maalik_som August 25, 2012 Comments Off

Galgala: (Sh. M. Network)   Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab maanta ay isku soo dhiibeen.

Sida ay sheegayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, maanta ayaa Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab  waxa isku dhiibeen Maamulka Puntland kuwaasi oo ku sugnaa Deegaan Buuralayda Galgala.

Isku dhiibidda Ciidamada Al Shabaab ee Maamulka Puntland ayaa ka dambeysay kaddib markii saakay Ciidamada Puntland ay ku baxeen deegaan Buuralayda Galgala oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, iyadoo Saraakiisha Puntland ay sheegeen in howlgalka uu maanta yahay mid bilow ah.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka deegaannada Maamulka Puntland, iyagoo carabka ku dhuftay in maalmaha soo socda ay Warbaahinta usoo bandhigi doonaan Warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Ciidamada Al Shabaab ee ku sugan deegaan Buuralayda Galgala ayaa la sheegaa inay ka amar qaataan Sheekh Max’ed Saciid Atam, kaasi oo marar badan la dagaalamay Ciidamada Maamulka Puntalnd.

Comments are closed.

Facebook

Twitter