Sam Ongeri: Sheekh Shariif lug ayuu ku lahaa qaraxyadii Ismiinta

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh. M. Network) Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Kenya Sam Ongeri oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Hotel uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ka deganaa Magaalada Muqdisho xilli ay kullan wada qaadanayeen.

Sam Ongeri ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ku lug lahaa Madaxweynaha Dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida uu hadalka u dhigay. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowlada Kenya ayaa waxa uu intaasi ku daray in inta aan la dooran Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu xiriir lasoo sameeyay Madaxeyne Sheekh Shariif, islamarkaana uu ku wargaliyay in mar kale uu jago qabto, hase aahaatee Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya uu ugu jawaabay in Kenya ay taageerayso ciddii ku guuleysata xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Sam Ongeri ayaa sheegay in markii qaraxa lagu soo weeraray Hotelka daqiiqado kaddib uu soo gaaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay in uusan wax dareen ah ka muujin qaraxaasi, taasina uu ku micneeyay Wasiirka in uu ku lug lahaa Sheekh Shariif. 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage Cali dheer uu sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al Shabaab islamarkaana ay qasaaro badan ku gaarsiiyeen waxa uu ugu yeeray Gaalo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter