Sam Ongeri: Ma dhihin Sheekh Shariif ayaa ka dambeeya qaraxii Muqdisho

maalik_som September 19, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) Maalin ka hor ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Kenya Mr. Sam Ongeri shir jara’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Nairobi waxa uu ku sheegay in qarixii 12-ka bishan aynu ku jirno ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay Hotel uu Muqdisho ka deganaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya xilli uu isaga la kulmayay uu ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Hadalkaasi ayaa waxaa xiisad dhinaca siyaasadda ah ka abuuray dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal shalay uu Warbaahinta ku siiyay Muqdisho  waxa uu ku beeniyay warka kasoo baxay Sam Ongeri ee ku aaddan in Sheekh Shariif uu ka dambeeyo qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Hotel kullan uu ugu socday Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya iyo Madaxweynaha Soomaaliya. 

Prof. Xasan Sheekh Max’ud, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo isna la hadlay Warbaahinta qaar ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay kala hadleen hadalka kasoo baxay Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Sam Ongeri, isagoo xusay inay amar kusii yeen Kenya inay raali gallin ka bixiso eedeymahaasi been abuurka ah.

Iyadoo taasi ay jirto Warbaahinta Caalamka gaar ahaan midda Kenya ay si aad ah wax ugu qoreen eedeymahaasi ayaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Sam Ongeri oo mar kale Warbaahinta shir  jaraa’id ugu qabtay Nairobi ayaa waxa uu beeniyay in isagu uu ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya in uu wax ka ogaa qaraxii Muqdisho lagula eegtay Hotel uu deganaa Madaxweynaha Soomaaliya. 

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage Cali Dheere oo tilmaamay in qaraxaasi ay ku dileen askar badan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Comments are closed.

Facebook

Twitter