Muqdisho (Sh.M.Network)—Munaasabad ballaaran ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya taas oo ay ka soo qayb galeen Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud
Xafladni oo ahayd mid uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu waraaqihii aqoonsiga ee Safiirnimo uu kaga gudoomayay Safiirka cusub Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Munaasabadda Kadib waxaa saxaafadda Lahadlay siihayaha waziirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Xasan kaasi oo shegay in safiirkaani uu yahay safiirkii ugu horeeyay ee dal muddo kabadan labaatan sano bur bursan ay usoo magacaabaan Ururka Midowga Yurub isagoo intaasi ku daray in Midowga Yurub kaalin aan la xaqiri karin uu ka qaatay dib uxsilinta dalka.
Safiirka Ururka Midowga Yurub ay usoo Magacaabeen Soomaaliya Ambasador Sarvon the urso oo isna lahadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu farxsanyahay in waraaqihiisa safiirnimo maanta uu ku wareejiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo tilmaamay in Midowga Yurub uu gacan ka geysanayo soo celinta Nabaddii Soomaaliya iyo dib udhiska dalka waxaana uu tibaaxay in mar weliba ay garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed ayna taageerayaan isbedelada cusub ee ka hana qaaday dalka.
Waa Safiirkii ugu horeeyay oo muddo kabadan 20 sano kadib uu Midowga Yurub usoo Magacaabo dalka Soomaaliya iyadoo Ururka Midowga Yurubna dhawaan ay shaaciyeen in ay taageeri doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya























Comments are closed.