Safiirka Somaliya ee Kenya oo soo dhaweeyay R/wasaare Saacid

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)—Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo dhaweeyay anisixinta R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale Kenya kala hadashay inaan la dhibaateysan Soomaalida ku dhaqan dalkaasi. 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Max’ed Cali Ameeriko oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu soo dhaweeyay Ansixinta R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ay shalay codka Kalsoonida siiyeen Xildhibaano gaaraya 215-Xubnood. 

Ambassador-ka ayaa ka codsaday  Dowladda Kenya inaysan dhibaateyn Soomaalida ku dhaqan dalkaasi xilliyada ay dhacaan falalka ammaan darri. 

Cali Ameeriko ayaa waxa uu sheegay in Soomaalida halkaasi ku dhaqan dhankooda looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda iyo dhaqanka dalka Kenya, si ay ugu bad baadaan inay wax kasoo gaaraan falalka ammaan darri, ama ay dhibaatooyin kala kulmaan Ciidamada booliska dalkaasi. 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli markii Magaalooyinka dalka Kenya ay ka dhacaan falalka ammaan darri booliska dalkaasi ay ku xoomaan Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku dhaqan gudaha dalkaasi, iyagoo ku eedeynaya inay ku lug leeyihiin falalkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter