Muqdisho: (Sh.M.Network) — Inkastoo maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya uu ka duulay Madaxweynaha Dowladda Prof. Xasan Sheekh Max’ud, ayaa haddana Safarkiisa waxa uu ka duwanaa Madaxweynayaashii Kumeel-gaarka ahaa ee soo maray dalka.
Haddaba Madaxweyneyashii soo maray dalka xilliyadii Dowladda Kumeel gaarka aheyd ayaa waxa dhici jirtay in la xiro waddooyin badan oo muhiim u ah isu socodka Gaadiidka, maadaama dalka uu ka duulayo shaqsiga xilligaasi haya xilka Madaxweynenimo, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelan jirtay dad badan oo Soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in la xiri jiray Wadada dheer ee xiriirisa Maka Al-mukarama, Isgoyska KM-4 illaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Aiport ee Magaalada Muqdisho, iyadoo taasi ay saameyn ku yeellan jirtay dad badan oo shacab ah haddii ay ahaan lahaayeen ganacsatada, haddii ay ahaan lahaayeen Ardayda ka barata Muqdisho iyo hddii ay ahaan lahaayeen Xamaalatada.
Maanta ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa kasoo amba baxay Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud, isagoo aan raacin Gawaarida ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, iyadoo taasi ay sii dheertahay inuusan hakad ku imaan isu socodka Gaadiidka, ganacsiga.
Idaacadda Shabelle ayaa makarafoonka la dhex qaaday qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Muqdisho, kuwaasi oo soo dhaweeyay arrintaani, maadaama aysan wax saameyn ah ku yeellan socodkooda safarkii Madaxweynaha Soomaaliya.
“Horta waan maqlay maanta in uu baxay Madaxweynaha, mana arkin wax waddo xiran, ganacsi xiran kulli howlihii oo dhan ayaa iska caadi ah, ma arkin Askari waddo kaa soo celinaya” sidaasi wax a yiri mid ka mid ah Ganacsatada ku sugan Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn qaar ka mid ah dadka shacabka ah ayaa soo dhaweeyay qaabka maanta uu dalka uga baxay Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud, maadaama safarkiisa uu ka duwanaa in badan Safaradii Madaxweynayaashii uu soo maray dalka xilligii Kumeel-gaarka ahaa.























Comments are closed.