Wararka naga soo gaaraaya dalka Syri ayaa soo sheegaaya in muwaadiniin Soomaali ah lagu laayey duqaymo ka dhacay dalkaasi.
Ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ah ayaa lasoo sheegay in ay ku geeriyoodeen duqaymo ka dhacay duleedka magaalada Dimishiq ee xarunta Syria.
Dadka geeriyooday oo saddexduba rag ah ayaa waxa ay ku geeriyoodeen duqayn ay habeenkii xalay deegaano ku yaalla duleedka Dimishiq ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Syria.
Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyootay duqaymaha ka dhacay Syria ayaa waxaa la sheegay in ilaa iminka aan la qaadin meydkiisa sababo la xiriira dagaalka oo ka socda goobta lagu dilay.
Marka laga soo tago dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday duqaymaha ka dhacay Syria, ayaa waxaa jira qoysas kale oo Soomaali ah kuwaasi oo go’doon ah iyo kuwa gebi ahaanba la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Dagaalka Syria ilaa bishii March ee sanadkii 2011-kii waxaa ka socda dagaal u dhexeeya mucaaradka iyo Dowladda waxaana ku geeriyooday kumanaan shacab u badan



















Comments are closed.