Jidah: (Sh. M. Network) Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Sacuudiga ayaa ka warbixineysay rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al qaacida oo ciidanka ammaanka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen.
Dadka ay la qabtay ayaa la sheegayaa inay kasoo kala jeedaan dalalka Pakistan Soomaaliya iyo Ciraaq kuwaasi loo diyaarinayo iminka inay carqaladeeyaan ammaanka dalkaasi.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in xadka ay la wadaagto dalka Yemen ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo lagu tababarayo Maleeshiyaad ay sheegtay in loo diyaarinayo in caqabd ay ku noqdaan ammaanka boqortooyada Sacuudiga.
Dhinaca kale Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in tan iyo sanaddii 2009kii Ururka Al qaacidda uu waday dadaallo uu ku diyaarinayo Maleeshiyaad arbushaad ka abuura gudaha dalkaasi, hase ahaateen dowladda Sacuudiga ay si weyn uga feejign tahay.
Baqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maalmihii dambe la tacaaleysay xiisadaha ka soo cusbonaaday Gobolka bariga dalkaasi dhaca ee qadiif halkaas oo ay ka jireen isku dhac u dhexeeya shiica Gobolkaasi degta iyo ciidanka ammaanka dalkaasi.























Comments are closed.