SAACID: OGEYSIIS KA QEYBGAL TARTAN QANDARAAS

maalik_som October 21, 2012 Comments Off

Moqdisho (Sh.M.Network)—Hay’adda wadaniga ah ee SAACID iyo UN-HABITAT waxa ay si wada jir ah ugu baaqayaan dhammaan shirkadaha dhismaha ee ka hawl gala Magaalada Muqdisho in ay ka soo qayb geli karaan tartan qandaraas dhismo oo laga fulinayo seddex degmo oo ku yaala magaalada Muqdisho. Soomaaliya  

Nooca howlaha la qabanayo 

  • Dayactirka dhismo ku yaalla degmada wadajir
  • Dayactirka dhismo ku yaalla degmada Hawl-Wadag
  • Dayactir Dhismo ku yaala degmada Daynile 

Dhismooyinka mashuuryadaan waa in laga arkaa 3 seddex degmooyin oo kala duwan, degmooyinka oo ay ku guuleysan karaan 1 shirkad, 2 shirkad, ama 3 shirkad (3 x 1, 2+1, or 1) qadaraasle, iyadoo ay ku xeran tahay natiijada qandaraaska. 

Mashaariicdan waxaa maal geliyay Iskaashiga Dowladda Talyaaniga (Italian Cooperation), iyadoo soo marsiisay barnaamijka wada shaqeynta ee Qaramada Midoobay (UN Joint Programme) ee ku wajahan  Dowladaha Hoose iyo Gudbinta Adeegyada furfuran (Decentralized Service Delivery). 

Shuruudaha Xulashada Qandaraas qaataha: 

Shirkadaha daneynaya ka qeyb galka tartankan waxa ay marayaan qiimeyn xagga farsamada ah. Sidaa darteed, shirkaddu waa in ay soo gudbiso dokumentiyada soo socda: 

  1. In shirkaddu soo gudbiso koobiga warqadda ay isaga diiwaangelisay, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Maamulaka Gobolka Banaadir.
  2. Taariikhda shaqo ee shirkadda oo faahfaahsan shantii sano ee ugu dambeysay, lehna cinwaanada lagala xariiri karo shirkadda, iyo faahfaahinta mashaaricda ay hore u soo qabatay (qiimaha mashruuc kasta ku kacay, cidda loo dhisay iyo goobta laga dhisay)
  3. Waa in ay shirkaddu tahay mid si guul leh u fulisay ugu yaraan shan (5) mashruuc oo dayactir noocaan oo kale ah.
  4. Liiska qalabka dhismaha ay shirkaddu leedahay (waa in shirkaddu milki ahaan u leedahay qeybaha ugu waaweyn ee qalabka)
  5. In ay soo gudbiso taariikh-nololeedka (CVs-yada ) farsamayaqaanada, kormeeerka iyo maamulka shaqaalaha intaba
  6. In shirkaddu soo gudbiso wixii kale ee dokuminti ah ee caddeynaya dhisma wanaagga ay hore u kasbatay.
  7. Caddeyn dhisma shirkaddu leedahay ama rug ay ka hawlgasho ee ku taala magaalada Muqdisho (lama aqbali doono shirkado ruga ama xarumo wadaag ah) 

Fiiro gaar ah: Shirkadaha dhismaha dhabta ah oo kaliya ayaa ka soo qayb geli kara hannaanka dhismo ee loo tartamayo. 

Hannaanka soo gudbinta dokumentiyada: 

Shirkadaha daneynaya qandaraaskan waxa ay soo gudbinayaan warqad codsi ah iyo dokumintiyada kor ku xusan oo ku qoran luqadda English-ka. Fadlan ku soo rid baqshad xiran; kunasoo qor cinwaanka ah: “CODSI KA QAYBYGAL TARTANKA QANDARAASKA 4 DHISMO EE DERBIGA/ GIDAARKA ISKUUL – ku qor magaca iskuulka aad daneyneysid”; waana in gacanta lagu geeyaa xafiiska SAACID – MUQDISHO. 

  • Waxaa dukumintiyada lagu soo hagaajinayaa Xarunta Hay’adda SAACID, kuna taala degmada Wadajir,  gaar ahaan waddada Ayriboorka aadda agagaarka garaashka Xaaji Dool. (xilliyada shaqada waa 8:00 am- 4:00 pm)
  • Waxii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir Teleefoonada kala ah: 0615572450, 0615588727, 0615549778 ama 0699960911

 Muddada qabashada araajida 

Araaji qabashada waxaa ay soconaysaa muddo usbuuc ah laga bilaabo taariikhda 21 Oktobar, 2012 waxayna ku egtahay 27 Oktobar, 2012 Warqadaha qandaraaska waxaa loo ogolyahay shirkadaha qiimeynta hore ku guuleysta. Miisaaniyadda qandaraaska waxaa la soo bandhigayaa10 Nofembar, 2012 12:00 duhirnimo. 

Mahadsanidiin  

Comments are closed.

Facebook

Twitter