SAACID: Ogeysiis ka Qaybgal Tartan Qandaraas

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)   Hay’adda wadaniga ah ee SAACID iyo UN-HABITAT waxa ay si wada jir ah ugu baaqayaan dhammaan shirkadaha dhismaha ee ka hawl gala Magaalada Muqdisho in ay ka soo qayb galaan tartan qandaraas ku saabsan dhismooyin loo dayactirayo saddex degmo oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee soomaaliya. 

 Nooca Hawsha la Qabanayo:  

  • Dhismo/Dayactir lagu sameynayo Kawaan Suuqa ee Xerada Qaxootiga Badbaado ee degamada Dharkeynley
  • Dhismo/Dayactir dhismaha Kawaan Suuqa Bandarwanaag ee degmada Hiliwaa 

Waa in loo arkaa sadex qandaraas oo kala duwan oo ay ku guuleysan karaan qandaraas-qaatayaal kala duwan ama hal qandaraasle oo kaliya (2 x, or 1 contractor) iyadoo ay ku xirantahay natiijada tartanka qandaraaska. Waxaa la door bidayaa in shirkado kala duwan la kala siiyo qandaraasyada.

Mashaariicdan waxaa maal geliyay Iskaashiga Dowladda Talyaaniga (Italian Cooperation), taa oo soo marsiisay barnaamijyada wada shaqeeya ee Qaramada Midoobay (UN Joint Programme) ee ku wajahan  Dowladaha hoose iyo Gudbinta Adeegyada furfuran (Decentralized Service Delivery)..

Sharuudaha Xulashada:

Shirkadaha daneynaya in ay ka soo qaybgalaan waxa ay mari doonaan qiimeyn xagga farsamada ah. Sidaa daraadeed sharuudaha looga baahanyahay tartamayaasha waa:- 

  1. In shirkaddu soo gudbiso koobiga warqadda ay isaga diiwaangelisay, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Maamulaka Gobolka Banaadir.
  2. Taariikhda shaqo ee shirkadda oo faahfaahsan shantii sano ee ugu dambeysay, lehna cinwaanada lagala xariiri karo shirkadda, iyo faahfaahinta mashaaricda ay hore u soo qabatay (qiimaha mashruuc kasta ku kacay, cidda loo dhisay iyo goobta laga dhisay)
  3. Waa in ay shirkaddu tahay mid si guul leh u fulisay ugu yaraan shan (5) mashruuc oo dayactir noocaan oo kale ah.
  4. Liiska qalabka dhismaha ay shirkaddu leedahay (waa in shirkaddu milki ahaan u leedahay qeybaha ugu waaweyn ee qalabka)
  5. In ay soo gudbiso taariikh-nololeedka (CVs-yada ) farsamayaqaanada, kormeeerka iyo maamulka shaqaalaha intaba
  6. In shirkaddu soo gudbiso wixii kale ee dokuminti ah ee caddeynaya dhisma wanaagga ay hore u kasbatay.
  7. Caddeyn dhisma shirkaddu leedahay ama rug ay ka hawlgasho ee ku taala magaalada Muqdisho (lama aqbali doono shirkado ruga ama xarumo wadaag ah) 

Fiiro gaar ah: Shirkadaha dhismaha ku shaqo leh oo kaliya ayaa ka soo qayb geli kara hannaanka dhismo ee loo tartamayo. 

Hannaanka ka qaybgalka 

Shirkadaha daneynaya qandaraaskan waxa ay soo gudbinayaan warqad codsi ah iyo dokumintiyada kor ku xusan oo ku qoran luqadda English-ka. Fadlan ku soo rid baqshad xiran; si cadna ugu soo qor cinwaanka ah: “CODSI  KA  QAYBYGAL TARTANKA QANDARAASKA DHISMO/DAYACTIR KAWAANKA SUUQA XERADA QAXOOTIGA BADBAADO EE DEGMADA DHARKEYNLEY IYO DHISMAHA SUUQA BANDARWANAAG EE DEGMADA HILIWAA”; waana in gacanta lagu geeyaa xafiiska SAACID – MUQDISHO. 

  • Waxaa dukumintiyada lagu soo hagaajinayaa Xarunta Hay’adda SAACID, kuna taala degmada Wadajir,  gaar ahaan waddada Ayriboorka aadda agagaarka garaashka Xaaji Dool.
  • Waxii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir Teleefoonada kala ah: 0615572450, 0615588727 

Araaji qabashada waxaa ay soconaysaa muddo usbuuc ah laga bilaabo taariikhda 29 September 2012 ilaa iyo 6 Oktoobar  2012; warqadaha qandaraaska waxaa loo ogolyahay shirkadaha qiimeynta hore ku guuleysta. Miisaaniyadda qandaraaska waxaa lasoo bandhigayaa 18 oktoobar  2012, 12:00 duhirnimo.   

Mahadsanidiin  

Comments are closed.

Facebook

Twitter