R/wasaare Saacid: Wax badan ayaan ka qaban doonaa Ammaanka dalka

maalik_som October 17, 2012 Comments Off

R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono ammaanka dalka Soomaaliya xilli maanta ay Codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya. 

Cabid Faarax Shirdoon R/wasaaraha ayaa waxa uu barlamanka ka hor sheegay in ugu horeyn uu wax ka qabanayo Xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya, iyo sidoo kale in uu dib u dajin u sameyn doono Barakacyaaasha ku dhibaateysan gudaha Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya. 

R/wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in uu soo celinayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalalka shisheeye si wax looga qabto, wuxuuna tilmaamay in Xukuumaddiisa mar waliba ay diiradda saarayso wax u qabashada shacabka ku dhibaataysan dalka iyo dibadda. 

Mudane Cabdi Faarax ayaa waxa uu intaasi ku daray in uu wax badan ka badalayo Garsoorka dalka Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay ku shaqeyn doonto Cadaalad iyo sinnaan.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli maanta 215-Xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Comments are closed.

Facebook

Twitter