R/wasaare Saacid: Waan la dagaalamayaa Aargigixisada

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)—R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdiisa ay diiradda saarayso la dagaalanka Aaragigixisada iyo sugidda ammaanka ee dalka Soomaaliya. 

Cabdi Faarax Shirdoon, R/wasaaraha Dowladda Soomaaliya oo shalay ka hor hadlayay Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu ballan qaaday in uu xoogga saarayo qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka iyo soo celinta dhaqaalaha.

Shirdoon ayaa waxa uu tilmaamay in uu la dagaalami doono  aaragigixisada, uuna dhisayo Hay’adda Cadaaladda iyo Garsoorka, islamarkaana uu mar waliba ka shaqeyn doono Nabadda iyo dib u heshiisiinta, diiraddana uu saari doono abuurista maalgashi haboon, isagoo intaasi ku daray in uu wax badan ka qaban doono Adeegyada Caafimaadka iyo waxbarashada.

R/wasaaraha ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in uu soo celinayo Karaamadii iyo Sharaftii Soomaaliya ay ku laheyd Caalamka, wuxuuna sheegay in uu sii dar dar gallinayo Xiriirka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. 

Shalay ayay aheyd markii R/wasaaraha Soomaaliya ay codka Kalsoonida siiyeen Xildhibaano soo buuxiyay Kooramka Fadhiga barlamanka oo gaarayay 215-Mudanayaal, iyadoo aan jirin cid ka aamustay iyo cid diidey u codeynta R/wasaare Shirdoon.

Comments are closed.

Facebook

Twitter