Muqdisho (Sh.M.Network)—R/wasaaraha Soomaaliya C/faarax Shirdon oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay booqanayaan Xerooyinka dadka barakacayaasha ah ee magalada mugdisho si dowlada ay gargaar ay u garsiiso, isagoona xusay in dadkaasi xaalado kala duwan ay ku heysato Magaalada Mugdisho.
R/wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Shacabka Soomaliyeed iyo Ciidamada dowlada Soomalia Munasabada Ciidul Adhxaa,waxaana uu baaq u diray Ciidamada qalabka sida in aysan waxyeeleyn Shacabaka ayna la qeybsadaan farxada Ciida.
Hadalka R/wasaaraha ayaa imaanaya xili maanta ay tahay maalinta ugu horeysa ee Ciidul adhxaha oo Muslimiinta Caalamka ay si iskumid ah looga Ciidayo.



















Comments are closed.