R/wasaare Gaas: Farxad ku Ciida meel waliba oo aad joogtaan

maalik_som August 19, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciiddu Fidriga Maalinteeda Koowaad, isagoo sheegay in Umad kasta ay leedahay Ciid iyo Munaasabado ay weyneeyaan, sidaasi Darteedna Allah Subxaanaho watacaala Umadda Islaamka ah uu u jideeyay labo Ciidood oo kala ah Ciiddul Fidriga iyo Ciiddul Adxaa. 

Dr.C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in xikmadda loola jeedo Ciidahaasi ay tahay in Muslimiinta ay isugu yimaadaan Salaadaha labada Ciidood, si ay isku bartaan isu xiriiriyaan iyo in qaarkood qaar kale ay bogaadaan si ay isu jeclaadaan, una midoobaan. 

Anigoo ka faa ideysanaya ayuu yiri Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas, Fursadda Ciiddul Fidriga Maalinteeda koowaad, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay isu tanaasulaan oo ay is waaciyaan.waa in kuwa wax haysta ayuu yiri ay farxadda la qeyb sadaan Walaalahooda dhibaateysan. 

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda KMG ayaa waxa uu sheegay in Farxad gaar ay u tahay in ciidaan ay kusoo beegmatay xilli uu rajo ka muujiyay in maalmaha soo socda Soomaaliya ay yeelatay dowlad Rasmi, taasina waxay inoo tahay buu yiri farxad iyo reen reyn.

Comments are closed.

Facebook

Twitter