Muqdisho: (Sh.M.Network) — Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacad) ayaa waxa uu ballan qaaday in muddo kooban uu kusoo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo hanta ammaanka dalka, isagoo xusay in taasi ay ku imaaneyso wadatashi uu la yeelanayo Madaxweynaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu sheegay in qorshihiisa siyaasadeed ay saldhig u noqon doonto in Xukuumadda uu soo magacabayo ay la dagaalamayso musuq maasuqa baahsan sida uu hadalka u dhigay.
Lama oga waxa uu ka qaban doono Xaaladda dalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo Beesha Caalamaka iyo dadka u dhun duleela arrimaha Soomaaliya ay muddooyinkii dambe ka talinayeen in dalka Soomaaliya uu galo Waji cusub.























Comments are closed.