Roobab saameyn yeeshay oo ka da’ay Baladweyne, Hiiraan

maalik_som October 3, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh.M.Network)  Roobabkaani oo saameyn ku yeeshay dad badan ayaa saacadihii u dambeeyay waxa uu ka da’ay Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan xilli halkaasi ay ka taagan yihiin xaalado bini’aadannimo oo haysata qoysas dhawaan halkaasi ku guryo beelay. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay sheegeen in Roobabka ay saameyeen guryo cooshado ka sameysan islamarkaana xaaladda maanta ay ku xun tahay, maadaama Roobabkaasi oo daadad watay ay qaadeen Guryo badan. 

“Roobabka daadad ayay wateen, waxay qaadeen Guryo badan oo ka sameysan Cooshado, xaaladda ayaa nagu xun” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadkii deeganka ah. 

Dadka ay dhibaatadu gaartay ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka in gar-gaar bini’aadannimo oo deg deg ah ay lasoo gaaraan, maadaama inta badan guryahooda ay kasoo barakaceen. 

Roobabkaani ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Roobab mahiigaan ah oo ka da ay gudaha Magaaladaasi uu sababay fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabelle, taasi oo keentay in inta badan dadkii ku noolaa Magaalada xilligaani ay deegaansadaan duleedyada Magaalada.

Comments are closed.

Facebook

Twitter