BELEDWEYNE (Sh.M.Network)—Roobabkani oo ahaa kuwa mahiigaan ah islamarkaana 24 Saac ee lasoo dhaafay ka da’ayay Deegaano ku yaalla Galbeedka magaalada Beledaweyne ayaa waxa ay lagu soo waramayaa inay geesteen Khasaaro dhimasho ah.
Inta la xaqiijiyay ilaa 3 Qof ayaa ku geeriyootay oo labo kamid ah ay yihiin Carruur da’doodu aad u yartay, kuwaasi oo ku noolaa Deegaanada kala ah Baar-dhuyac iyo Abayle oo ee dhaca dhanka galbeed Beledweyne.
Dadka ku nool deegaanadaasi qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in Robabkaasi Culus aya saameeyeen Dadka Xoolo dhaqatada ah eek u nool Deegaanadaasi.
Roobakani ayaa imaanaya Maalin kadib markii sedan oo kale ay Roobab Khasaaro Naf iyo Maal ah geestay ay ka da’een Degmada Matabaan ee isla Gobolka Hiraan.
Sidoo kale dhowaan waxaa ka dhacay Beledweyne Fataahado sababay Webiga Shabelle ay Tobanaan qof ay ku dhinteen oo Kumaan kalena Guryo la’aan dhigay.



















Comments are closed.