Baladweyne: (Sh.M.Network) Roobab sababay in uu fataho Wabiga Shabelle ayaa waxa ay ka da’een Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Roobkaani oo xawaare xowli ah ku bilowday ayaa inka badan muddo 10-saacadood ah waxa ka socdeen Magaalada Baladweyne sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dadka ku nool halkaasi.
Dabaylaha uu watay Roobka ayaa sababay in uu fataho Wabiga Shabelle, waxaana la sheegay in qasaaro lixaad leh uu u gaystay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.
4-ruux ayaa ku geeriyootay fatahaadahaasi iyo Xoolo badan sida uu Idaacadda Shabelle u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca siyaasadda ee Maamulka gobolka Hiiraan Cadaawe Cilmi Nuur.
Guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu sheegay in boqolaal qoys oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeralay ay ka barakacaan goobaha uu ku fatahay Wabega, waxaana la sheegay
Ugu dambeyn Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka ku booriyay in la caawiyo dadka halkaasi ku hanti beelay.























Comments are closed.