Muqdisho ( Sh.M.NetworkMark)Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo Warfidiyeenada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Cusub ay dadaal Muujisay Caalamkuna ay arkeen in Soomaalida Cusub ay ka go’antahay Muujinta wax qabad dhab ah oo Muuqda Taasina ay Keentay in haatan ay Caalamka U soo Jeesteen Taageeridda Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shirdoon Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Sidoo Kale Tilmaamay in dowladda ay Gudbisay Muuqaal Wanaagsan oo ka turjumaya dadaalka ay Sameeyeen Madaxda dowladda iyo Horumarka dalku uu ku tallaabayo.
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa dhanka kale Caalamka intiisa kale oo aan weli taageero u Muujin Soomaaliya in ay ku daydaan dowladaha Saaxiibadood ah oo Garab taagan Soomaaliya.
Hadalka Ra’isal Wasaaraha ayaa waxa uu imaanayaa Xilli shalay wafdi ka socda qaramada Midoobay ee uu Horkacayo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay U qaabilsan dhanka Siyaasadda Jeffery Feltman ay soo Gaareen Magaalada Muqdisho kulana la qaateen Ra’isal Wasaaraha.























Comments are closed.