Muqdisho ( Sh.M.NetworkMark) Kadib Kulaan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay U qaabilsan Siyaasadda ayaa waxa ay kaga wada hadleen sida dowladda Soomaaliya ay Taageero Buuxda kaga heli lahayd Jimciyadda Quruumaha Midoobay.
Kulanka ay Maanta wada qaateen Cabdi faarax Shirdoon Saacid iyo kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Xagga Siyaasadda Jeffery Feltman ayaa waxaa Kulankooda ku wehliyay qaar Ka mid Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Difaaca,Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Wasiirka Garsoorka iyo Sidoo kale Ergayga Gaarka qaramada Midoobay U qaabilsan Soomaaliya Agustin Mahiga.
Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo kulankooda kadib Shir Jar’id uu qabtay Warbaahinta Kula hadlay ayaa sheegay in ay kawada hadleen arrimo badan isaga iyo Kaaliyaha islamarkaana ay si qurux badan isula Garteen.
Jeffery Feltman Kaaliyaha Xagga Siyaasadda u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay oo isna Shrka Jara’id ku wehliyay Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Soomaaliya kulanna uu la qaato Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.
Jeffery ayaa Tilmaamay in ay qaramada Midoobay U Muuqato in Soomaaliya ay Fursad Ka Jirto Maadaama ay dhamaatay Xilligii KMG.
“ Qaramada Midoobay Waxa ay halkaan U Joogtaa in ay Taageeraan Soomaaliya “Sidaasi waxaa Yiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dhanka Siyaasadda U qaabilsan Jeffery Feltman.
Kulanka Maanta ay wada qaateen Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Jeffery Feltman ayaa waxa uu imaanayaa Xilli dhawaan Magaalada Adis-Ababa ay ku kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Max’uud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Bank Mon























Comments are closed.