Ra’isal Wasaare Saacid oo ka warbixiyay Safarkiisii Galgaduud

maalik_som March 7, 2013 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Cabdi faarax Shirdoon Saacid oo warfidiyeenada Maanta kula hadlay Gudaha Xarunta Madaxtooyada  kulanka  Caadiga ah ee Golaha Xukuumadda kadib ayaa waxa uu Faah faahin ka bixiyay isaga iyo wafdi uu Hogaaminayay Safarka ay ku tageen Gobolka Galgaduud.

Ra’isal Wasaare Saacid ayaa Guul ku tilmaaamay Safarkii ay ku Gaareen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud isagoo Xusay in soo dhaweyn diiran ay kala kulmeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Mr Saacid ayaa soo hadal qaaday in ay qayabaha Kala duwan ee Bulshada iyo Masuuliyiinta ku dhaqan  Deegaanada iyo Degmooyinka ay booqdeen in ay kulamo wada yeesheen.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale kahadlay Xayiraadda hubka saarnaa Soomaaliya oo ay si KMG ah  uga qaadeen Golaha Ammaanka taasi oo uu ku tilmaamay tallaabo horumar leh islamarkanaa Hubka soo gala gacanta dowladda loo aadeegsan doono si Masuuliyad ay ku dheehantahay.

Hadalka Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli Xukuumaddiisu ay ku howlantahay Xaqiijinta Ammaanka Gobollada  iyo Ladagaalanka Ururka Al Shabaab

Comments are closed.

Facebook

Twitter