Ra’isal Wasaare Saacid iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Caabud Waaq

maalik_som March 5, 2013 Comments Off

Caabudwaaq  (Sh.M.Network)—Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta waxa ay Gaareen Degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo kulamo ay kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Ururka ahlusunna Waljamaaca iyo waxgaradka qaybaha kala duwan ee Bulshad ee Ku nool Degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud.

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Caabud Waaq waxaana Odayaasha dhaqanka iyo qaybihii kala duwanaa ee uu la kulmay uu kala hadlay sidii ay Iskaashi ay u yeelan lahaayeen.

Tagista Ra’isal Wasaare Saacid iyo Wafdigiisa ee Magaalada Caabud Waaq ayaa kusoo aadeysa xilli Maalinimadii shalay Ra’isal Wasaaruhu uu gaaray Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo ay kula soo kulmeen Masuuliyiin iyo waxgarad kala duwan oo ku sugan Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter