Muqdisho(Sh.M.Network)—Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ka go’antahay in ay Wiiqdo awoodda Ururka Al Shabaab.
Saacid ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhan walbo oo wadahadal ah oo ay isku daydo dowladda in ay la yeelato Al Shabaab ay ka biya diideen taasna ay keentay in dowladda Go’aan buuxa ay ka qaadato taasoo ku’aadan ka xoreenta Al Shabaab Gobollada dalka.
Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya cabdi faarax Shirdoon ayaa waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ka go’antahay burburinta awoodda Al Shabaab iyo ka sifeenta Gobollada dalka sida uu hadalka udhigay
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa dhanka kale urajeeyay Shacabka Soomaaliyeed in ay Nabad Galyo buuxda ay helaan islamarkaana nolol iyo Barwaaqo waarta ay kugaaraan Sanadkaan kan xiga























Comments are closed.