Muqdisho (Sh.M.Network)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan la qaatay dadweyne ku qaxweynayey maqaayad ku taala gudaha Villa Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku sugnaa makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu is leeyahay mar uun weydii madaxda dalka.
Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro.
“ Waxaa mar kasta dhibka lala maagan yahay ma ahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado int a dhibka wadda ee ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed ayuu hadalkiisa sii raaciyey
Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu intaa ku daray in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu gaaro meesha uu u socdo
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka,taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dadkooda.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.