Cadaado (Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay maanta gaarayaan degmadaasi.
Ciidamo Jabuutiyaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya isugu jira oo ku sugnaa maalmihii u dambeeyay deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa Gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud kuwaasi oo xaqiijinaya Ammaanka wafdiga Ra’isal Wasaaraha oo saacadaha soo socda lagu wado in gaaro Degmadaasi Cadaado ee Gobolka Galgaduud .
Wararka laga helayo Degmadaasi Cadaado ee Golka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabo ballaaran oo bulshada ku dhaqan degmadaasi ay isugu diyaarinayaan in ay soo dhaweeyaan Ra’isal Wasaaraha iyo wafdigiisa iyadoona si weyn loo xoojiyay Ammaanka degmadaasi Cadaado.
Masuuliyiinta Ka tirsan Maamulka Ximin iyo Xeeb ee ka arrimiya halkaasi oo qadka taleefanka kula hadlay idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in si weyn ay ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Ra’isal wasaaraha iyo wafdiga la socda.
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihi dambe socdaal ku marayay deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.























Comments are closed.