Ra’isal Wasaaraha iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Marka

maalik_som January 31, 2013 Comments Off

Marka ( Sh.M.NetworkMark) Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Gaareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose halkaasi oo iminka Kulamo ay kula leeyihiin Masuuliyiinta iyo Sarakiisha Maamulka Shabeelaha Hoose.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle u sheegay in wafdiga Ra’isal Wasaaraha si weyn Loogu soo dhaweeyay Magaalada Marka Iminkana ay kulamo kula leeyihiin Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Gobolkaasi.

Wixii ku soo Kordha kala soco shabelle.net

Comments are closed.

Facebook

Twitter