Ra’iisulwasaare Saacid Oo Baaq Nabadeed U Direy Beelaha Galguduud ku Dagaalamey

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

MOGADISHU (Sh.M.Network)— Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo warbaahinta muqdisho kula Hadley ayaa baaq nabadeed waxa uu u direy Beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Galguduud kuwaasoo dhawaan ku dagaalamey Deegaanka Baalaldheer oo 100 KM u jirta Degmada Dhuusa Mareeb.

Saacid ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u direy ehelada iyo qaraabadii ay dadka kaga geeryoodeyn Dagalaka ka dhacay Baalaldheer waxa uuna sidoo kale caafimaad u rajeeyey intii ku dhaawacantey Dagaalkaasi.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegey in gudi heer wasiir ah ay xukuumadu u direyso beelaha walaalaha ah ee Dagaalka ku dhex marey Deegaanka Baalaldheer oo 100 KM u jirta Degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka GalGuduud.

Tan iyo Markii Beelo walaalo Ah uu dagaal ku dhex marey Deegaanka Baalaldheer ka dib markii ay baraakado isku qabsadeyn  iyadoona inta la ogyahay qasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi ay ku geeryoodeyn 30 Ruux ku dhawaad 60 kalena ay ku dhaawacmeyn ayaa waxaa isi soo tarayey Baaqyada Nabadeed ay dirayaan odayasha iyo wax garadka ka soo jeeda gobolkaasi iyo madaxda ugu sareesa Dowladda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter