Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda.(War Saxaafadeed)

maalik_som January 1, 2013 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda. Ra’iisal wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashada ee ciidamada ayaa xogwareysiyo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas, waxana Ra’iisul Wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’ntahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta kowaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan ee. Waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jirran oo uu sheegay in si deg deg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoona halkaas kula shekaysatay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa u rajayey ciidanka qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.

 

—–DHAMAAD—–

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-616084650 +252-699270033

Mogadishu, Somalia

Daawo Sawirada Booqashada Ra’isal Wasaaraha

IMG_7173

IMG_7182

IMG_7188

IMG_7196

IMG_7199

IMG_7203

IMG_7207

IMG_7213

IMG_7214

IMG_7217IMG_7219

IMG_7221

IMG_7222

IMG_7222 IMG_7235

IMG_7237

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter