Rag la sheegay inay is qarxin rabeen oo lagu qabtay Baladweyne

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh.M.Network)—Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay rag la sheegay inay isku qarxin rabeen gudaha Magaaladaasi. 

Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ah ee Maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qab qabtay rag ka tirsan Al Shabaab oo damacsanaa inay isku qarxiyaan Xarumaha Dowladda ee Magaaladaasi.

Axmed Inji ayaa waxaa uu tilmaamay in raggaasi oo gaaraya 5-ruux ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Ethiopia, kaddibna ay iyagu kusoo wareejiyeen, isagoo tibaaxay in iminka ay ku wadaan baaritaanno islamarkaana ciddii ay ku cadaato dambiyadooda tallaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay. 

“ Horta qaraxyada waxaa lagu soo diyaariyaa banaanka, hadda dadka la qabtay waa illaa 5-ruux, waxay rabeen inay isku qarxiyaan Xarumaha Dowladda” sidaasi waxa yiri Guddoomiye ku xiggeenka. 

Baladweyne waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo la sheegay inay Maleegaan Kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, iyadoo aan la ogeyn sida Saraakiisha Dowladda ee ku sugan halkaasi ay kaga gaashaaman karaan arrimahaani.

Comments are closed.

Facebook

Twitter