Rag ku labisan Dharka Dumarka oo lagu qab qabtay Xamar-weyne

maalik_som August 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Taliska Booliska degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay Rag qaarkood xirnaa Dareeska Dumarka kuwaasi oo la sheegay inay ku howlanaayeen falal ammaan darri.

Ciidamada booliska ee Saldhigga Degmada Xamar-weyne ayaa howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen waxa ay kusoo qab qabteen dadkaasi oo xilligii lasoo qabanayay Saldhigga lagu keenay iyagoo xiran Dharka Dumarka, sida Jalbaab, Indha shareer iyo waxyaabo kale oo u gaar ah u Dumarka, hase ahaatee qeybta baarista ee Saldhigga degmada Xamar-weyne ay soo gudbiyeen in dadkaani aanu aheyn Dumar, islamarkaana ay yihiin Rag xirtay dharka Dumarka.

Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar-weyne  Kornel Max’ed Daahir oo Saxaafadda kula hadlay Saldhigga degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in dadkaani ay soo qab qabteen ay yihiin kuwo isku soo ekeysiiyay Dumar,  Ciidamada booliska oo howlgallo ka wada gudaha degmadaasi ay kasoo qabteen iyagoo ku howlan falal dhac ah.

Sidoo kale Kornel Max’ed Daahir ayaa waxa uu sheegay inay heleen Warbixinnno sheegaya in gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Xamar-weyne ay soo galeen rag isku soo ekeysiiya Dumar, hadafkooduna yahay inay gaystaan falal ka dhan ah ammaanka, hase ahaatee taasi ay ka hortagayaan.

Ma’ahan markii ugu horeysay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay soo badhigaan Rag soo xirtay Dumarka si ay u gaystaan falal ammaan darri, waxaana dhawaan ay aheyd markii Maamulka Degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ay soo bandhigeen inka badan 3-ruux oo sidaani oo kale soo xirtay Dharka Dumarka, doonayayna inay gaystaan falal ka baxsan ammaanka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter