Badhaadhe: (Sh.M.Network) Rag ka tirsanaa Al Shabaab ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay kaddib markii lagu arkay iyagoo Miino ku aasaya deegaanno ka tirsan Bandhaadhe ee Jubbada hoose.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ee Dowladda Soomaaliya Faarax Heybe Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgallo Ciidamada Dowladda Soomaaliya maalmihii dambe ay ka wadeen inta u dhaxeysa deegaannada Bandhaadhe iyo Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgallada ay kusoo qab qabteen rag ka tirsan Al Shabaab, halka kuwa kalena uu tibaaxay inay dileen kaddib markii ay ku arkeen iyagoo aasaya Miinooyin sida uu hadalka u dhigay.
“ Ciidamada Xoogga ayaa toogasho ku dilay, waxay isku dayeen inay baxsadaan markii lagu arkay iyagoo aasaya Miinooyin” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha degmada Badhaadhe.
Gobolka Jubbada hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa howlgallo ka waday Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo dhinaca ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Al Shabaab ay kala wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka mid ah gobolkaasi oo ay ugu dambeysay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.























Comments are closed.