Rag falal ammaan darri ka waday Baydhabo oo gacanta lagu dhigay

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network) —  Taliska Ciidamada Dowladda ee gobolka Bay ayaa ka warbixiyay howlgallo lagu soo qab qabtay Rag falal ammaan darri ka gaystay gudaha Magaaladaasi. 

Taliyaha Ciidamada booliska ee gobolka Bay Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baydhabo ay gacanta ku dhigeen rag ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen illaa  shan Ruux oo uu sheegay in qaarkood ay ku cadyihiin falalka ay gaysteen halka kuwa kalena ay baaritaanno ku socdaan, isagoo xusay in Maxkamadda lasoo taagayo islamarkaana tallaabo laga qaadayo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Dowladda  Soomaaliya ee gobolka Bay ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka ku dhaqan halkaasi inay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka oo ay soo sheegaan dadka ay kaga shakiyaan inay wadaan falal ammaan darri si looga hortago.

Maalmihii dambe ayaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxa ay ka dhacayeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, iyadoo inta badan Ciidamada Dowladda ay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyeen gudaha Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter