Qul qulka dadka Soomaalida ah ee ka soo baxaya Kenya oo sii kordhaya

maalik_som December 31, 2012 Comments Off

Nairobi(Sh.M.Network)—Hadalkii 18 kii bishaan ka soo baxay dowladda Kenya ee Qaxootiga soomaalida farayay in ay isugu Uruuraan Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi iyo hadalkii ka soo baxay dhaqaatiirta aan Xuduuda lahayn ee MSF ee sheegayay in aaney xamili karin Daawada dadkale oo ku soo kordha Xeryaha Qaxootiga ayaa waxa ay sababeen arrimo kale oo horleh oo soo wajahday Qaar ka mida  Qaxootiga Soomaaliyeed.

Qaxootiga qaar oo udheg Raariciyay hadalka dowladda Kenya islamarkaana tagay Xeryaha dhadhaab ee dalkaasi Kenya ayaa waxa ay halkaasi kala kulmeen Hooy la’aan Cunna Xumi , daryeel La’aan iyo dhibaatooyin kale  oo ka jira Xeryahaasi Kenya.

Dadkaasi ayaa qaar ka mida oo u’adkeysan waayay xaaladda nololeed ee halkaasi ka jirta waxa ay doorbideen in ay  ulaabtaan Gobollada dalka Soomaaliya waxaana tan iyo Shalay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab Ifo iyo Xagar dheer ka baxayay dad lagu qiyaasay 400 oo ruux kuwaasi oo qabtay dhanka Gobollada dalka Soomaaliya sida Jubooyinka iyo Gedo.

Max’uud Sheekh Bashiir waa Saxafi Madaxbanaan oo ku sugan Xerada Qaxootiga ee dhadhaab wariyaheena Muxuyidiin Xasan Max’ed Xusni ayaa kala sheekeestay xaaladda Qaxootiga Sooamalidaa ee halkaasi Degan iyo xaddiga ay la’egyihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee Go’aansaday in dalka dib ay ugu laabtaan.

Wariyaha ayaa xusay in dadkaasi ay soo wajahday xaalad nolol xumi oo aad udaran taas oo ku qasabtay in ay halkaasi isaga baxaan

isagoo carabka ku dhuftay in bixitaankooda ay ka dambeysay Kuleelaha halkaasi ka jira oo ay u’adkeysan kari waayeen.

Goobaha Busteejooyinka Gaadiidka laga Raaco ayaa iminka laga Dareemayaa Mashquul aad uxoogan Maadaama weli dadku halkaasi ay Ka baxayaan.

Inkastoo dad badan ay ka baxayaan Xeryaha Qaxootiga Waddanka Kenya markii ay la kulmeen dhibaatooyin fara badan oo xagga nolosha ah ayaa waxaa weli jira dadkaloo aan awoodin Qarashaadka usaamaxaya in ay halkaasi isaga soo baxaan.

“ Waxyaabo fara badan ayaa jira oo aan la kulanay markii nalaga soo saaray Magaalada Nairobi waan la qabsan weynay meeshaan kuleelkeeda”Sidaasi waxa tiri Maamo ka mida hayd dadkii laga bixiyay Nairobi ee ku laabtay Xeryaha Qaxootiga waddankaasi Kenya.

Qulqulka dadka Soomaaliyeed ee door biday in ay kabaxaan Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo  xilligaan dalka Soomaaliya Horumar xagga ammaankaa laga Dareemayo.

 

Muxuyidiin Xasan Max’ed Xusni

Comments are closed.

Facebook

Twitter