Qoysas ka cabanaya nolol xumo, dalbadayna in loo abuuro shaqo

maalik_som October 14, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Qoysaska oo ah kuwa danyar ah oo kasoo barakacay degmada Qoryeeleey ee gobolka Sh/hoose oo Kaam ay ku nool yihiin maanta ay booqatay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya Qoysaskaasi waxa ay ka codsadeen in shaqooyin ay u abuurto, maadaama sida ay sheegeen xilligaani ay haysato Xaalado nolol xumo oo aad u daran. 

Qoysaskaani ayaa waxa ay sheegeen in hadda wixii ka dambeeya ay rajaynayaan Shaqooyin, maadaamaa dalka uu yeeshay Dowlad cusub, loona baahan yahay inay ka baxaan Nolosha ay hadda ku jiraan. 

Codsigaani kasoo yeeray Qoysaska barakacayaasha ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli muddooyinkii dambe ay isa soo tararayeen cabashada kasoo yeeraysa Qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Banaadir kuwaasi oo qaarkood dalbaday in dib loogu celiyo goobihii ay kasoo barakaceen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter