Addis Ababa (Sh.M.Network)—Hay’adda Q/M u qaabilsan Qaxpptiga ee (UNHCR) ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay ka furi doonta gudaha dalka Itoobiya Xero cusub si loo dejiyo kumaanka qof ee maalin kasta kasoo cararaya Goobaha ay Rabshadahu ka jiraan ee dalka Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay (UNHCR) oo lagu magacaabo Andrej Mahecic, ayaa u sheegay weriyaasha inay gebobego marayso dhismaha Xero weyn oo Qaxootiga oo la dejiyo qaxootiga Soomaaliya taasi oo ay ka dhisayaan meel 54 kilometers dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Dollo Ado ee dalka Itoobiya.
“Qiimaha ku kacaya dhismaha Xerdan Qaxootiga ah, waxa uu gaarayaa in ka badan 5 Milyan, waxaana ku dhexyaalla Xerada Isbitaallo, Iskuullo iyo Bakhaaro waaweyn oo lagu keydiyo Raashiinka iyo Daawooynka loogu talo galay Qaxootiga,” sidaasi waxaa sheegay Andrej Mahecic.
Afhayeenka ayaa ugu baaqay dowladaha deeqda bixiya iyo Hay’adaha gargaarka Caalamiga ah inay gacan ka geystaan dhamaystirka iyo qalabayta Xerada Cusub ee ay ka furayaan Magaalada Dollo Ado ee dalka Itoobiya.
Dollo Ado waa magaalo ku taalla koonfurberi ee dalka Itoobiya, waana magaalada 2-aad ee ay ku noolyihiin Qaxootiga ugu badan ee Caalamka marka laga soo tago Xerada Dhadhaab ee ku taalla Waqooyiga Beri ee dalka Kenya.



















Comments are closed.