New York: (Sh. M. Network) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in waqti dheeri ah ay QM ugu dareyso dadaalada qariiradda nabadda waqtigii looga gonlahaa in lagu dhameeyo.
Ban Ki Moon ayaa sheegay in howlaha horyaalla dhinacyada ku howlan soo dhisidda dowladda cusub iyo waqtiga oo gabaabsi ah aaney suura gal ahayn, sidaa daraadeed na Qaramada Midoobay ay waqti kordhin u sameyn doonto, inkastoo aanu carabka ku dhufan waqtigaasi loo kordhinayo.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale waxaa uu niyad wanaag ka muujiyay aayaha dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in soo xulista Xildhibaanada cusub ay tahay tallaabo horay loogu qaaday xagga Nabadda iyo horumarka dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayaa la filayaa in dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho Madaxtinimo si dalka uu ugalo marxalad cusub oo looga baxayo waqtiga KMG ah ee ay ku soo shaqeysay dowladdii hore.























Comments are closed.