QM oo uga digtay Holland in qaxooti Somaliyeed ay ku celiso Koofurta Somalia

maalik_som February 22, 2013 Comments Off

Brussels (Sh.M.Network)—Hay’adda Qaxootiga Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay dowladda Holland in ay joojiso qorshaha ay dooneyso in qaxootiga Soomaalida ah ay dib ugu celiso Koofurta Soomaaliya.

War ay soo saartay UNHCR ayaa waxaa dowladda Holland looga dalbaday in ay joojiso qorshaha ay ku dooneyso in qaxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda kunool ay dib ugu celiso Koofurta Soomaaliya, halkaasi oo ay UNHCR sheegeyso in xaaladeeda Amaan aan wali la isku haleyn Karin.

UNHCR waxaa ay muujisay in qalad weyn ay tahay in dowladda Holland iyadoon la tashan Hay’addii qaabilsaneyd qaxootiga Aduunyada ay falkaasi oo kale qorsheyso, waxaana ay ku tilmaamtay mid aan xiligan loo baahneyn in la sameeyo.

Gerry Simpson, oo ka tirsan UNHCR ayaa sheegay in aan loobaahneyn in dowladda Holland ay ku adkeysato in ay qaxootiga Soomaalida u dhoofiso Koofurta Soomaaliya oo wali xaaladeeda Amaan aysan xaqiijisneyn.

UNHCR ayaa u sheegtay dowladda Holland in ay ka warsugto Qaramada Midoobay oo si dhaw ula socota xaalada Soomaaliya islamarkaana ku soo wargalin doonto hadii Amaanku hagaagay oo qaxootiga dib loo celin karo.

Maamulka Amsterdam ayaa dhawaan shaaciyay in qaxootiga Soomaalida ah ee dalkooda ku sugan ay dib ugu celin doonaan Koofurta Soomaaliya oo dhawaan qeybo badan oo kamid ah laga qabsaday Xarakada Al Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda.

Sh.M.Network

Comments are closed.

Facebook

Twitter