Geneva: (Sh.M.Network) Qaraar laga soo saaray Kullan Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay ku yeesheen Golayaasha Qaramada Midoobay ayaa waxa looga hadlay tacadiyada ka dhanka ah dadka Birimageydada ah oo ay ka mid yihiin Haweenka, Caruurta iyo Saxafiyiinta ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.
Qaraarka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay go’aan satay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka loo geysto Saxafiyiinta, islamarkaana tallaabo laga qaado dadka dhibaatada u gaysanaya.
Sidoo kale Qaraarka ayaa loogu baaqay Dowladda iyo Maamul goboladeedyada ka jira dalka inay wax ka qabataan shaqsiyaadka dhibaatada u gaysanaya Saxafiyiinta, iyadoo dalalka Caalamka ay ka gacan siinayaan Dowladda wax ka qabashada arrintaasi.
Qaraarka laga soo saaray kullanka Golayaasha Qaramada Midoobay ay ku yeesheen Magaalada Geneva in Dowladda Soomaaliya ay Mas’uuliyad ka saaran tahay ku tumashada Xuquuqul Insaanka, si Warbaahinta uu u sheegay Ergayga Joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Waddanka Soomaaliya oo ay ragaadiyeen colaado ayaa inta badan waxa ka dhaca tacadiyo loo geysto Dadka biro mageydada ah oo ay ka mid yihiin Dadka Wararka baahiya, iyadoo ay jiraan dilala qorsheysan iyo cago jug leyn loo geysto dadkaasi, waxaana jirin tallaabo rasmi ah oo Dowladihii soo maray dalka ay qaadeen taasi oo ay ku joojinayaan tacadiyada loo geysanayo dadka Saxafiyiinta ah.























Comments are closed.