QM oo soo dhaweysay Anisxinta R/wasaare Saacid

maalik_som October 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)—Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa soo dhameeyay ansixinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabid Faarax Shirdoon oo ay maanta barlamanka qaranka Soomaaliyeed ay si caqlabiyad leh ku ansixiyeen.

‘‘Ansixinta Ra’iisul wasaare Shirdoon waxa ay caddeyn u tahay hormarka dhanka wanaagsan loo sameeynayo ee Soomaaliya laga gaaray’’ sidaasi waxaa yiri  Augustine Mahiga.

Wakiilku waxa uu sheegay in ansaxinta Ra’iisul wasaaraha ay muujineyso wada shaqeynta heerka sare ah ee ka dhaxeeysa dhinacyada dowladda Soomaaaliya, isagoo tilmaamay in Xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu aqoonsanyahay Ra’iisul wasaraha sida xurta ah lagu ansixiyay.

Ugu dambeyn Mahiga ayaa balan qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo dowladda cusub islamarkaana uu ka saacidi doono sidii dowladda cusub ay ku guuleysan leen.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter