QM oo sheegay in 10-kun oo qof ay ka barakacday Kismaayo

maalik_som September 22, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) Warsaxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Bishaan September oo kaliya ay ka baxsadeen Magaalada Kismaayo dad gaaraya 10-kun oo qoys kuwaasi oo hadda ku dan dareysan goobaha howdka ah ee ku yaalla Jubbooyinka. 

Bayaankaani oo ay si gaar ah u soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO in seddax meelood dadkaani labadii todobaad ee ugu dambeysay ay ka baxsadeen dagaalada xooggan ka socday duleedka Kismaayo kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab. 

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in dadkaasi aysan heysan wax daryeel bini’aadannimo ah islamarkaana haddii aan gar gaar bini’aadannimo lala gaarin ay saameyn ku yeellan doonto gobolka. 

WHO ayaa waxa ay sheegtay inay ka walaacsan tahay dhibaatada kala duwan ee loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, kuwaasi oo aan taageero ka hellin Hay’adaha bixiya gar-gaarka bini’aadannimo iyo Dowladaha taageera Soomaaliya. 

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa barakac xooggan uu ka socday gudaha iyo Daafadaha Magaalada Kismaayo kaddib markii Ciidamada huwanta ah la sheegay inay kaabiga ku hayaan Magaalada Kismaayo oo ay ku xooggan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter