QM oo ka digtay in aargigixisada Somaliya ay ku fiddo Caalamka

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimo quseeya Xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya, waxaana QM ay ka digtay in qatarta aargigixiso ee ka jirta Soomaaliya ay saameyn ku yeellato Caalamka oo dhan. 

QM ayaa waxa ay tilmaamtay in dhalinyarada Soomaaliyeed laga soo weeciyo dagaalada islamarkaana loo jiheeyo mustaqbal wanaagsan oo ay kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka. 

Warbixinta ayaa dhalinyarada waxa ay ku sheegtay inay yihiin kuwa ugu badan ee qeybta ka ah xiisadaha kala duwan ee ka jira dalka , ayna u dagaalamaan Kooxo kala duwan oo isugu jira Maleeshiyaad iyo aarggixiso. 

Warbixinta oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa lagu sheegay in sababaha kor usii qaadaya Xiisadaha ka taagan dalka ay ka mid tahay shaqo la’aan kusii kordhaysay dalka, iyadoo ay sidoo kale Soomaaliya lagu sheegay in uu yahay dal ku fashilmay dhowrista Xuquuqda Haweenka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter